Ciidamada xoogga dalka oo ka hortegay weerar qaraxyo ah + Sawirro

Ciidamada xoogga dalka oo ka hortegay weerar qaraxyo ah + Sawirro

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Gorgor ay maanta ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howl-galkan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa horkacayey Gaashaanle Maxamed Sheekh oo ah taliyaha ururka 7-aad ee ciidamada Gorgor, waxayna ku fashliyeen weeraro qaraxyo ah, gaar ahaan miinooyin ay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ku aaseen dhulka.

Qaraxyada la fashiliyey ayaa waxaa la geliyey waddooyinka ay si aad ah u isticmaalayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku socdaala halkaasi.

Deegaanada sida gaarka howl-gallada looga sameeyey ayaa waxaa ka mid ah Buushka, Idimow, Cabdow Dibiley oo dhammaan hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Gorgor ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada howl-galka laga fuliyey iyo guud ahaan Shabeelaha Hoose.


Al-Shabaab ayaa inta badan gobolkan ka soo abaabusho weeraro culus oo ay qaraxyo qeyb ka yihiin, waxayna ku leeyihiin saldhigyo, maxkamado iyo xarumo kale oo muhiim ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada