Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Lafta Gareen iyo Sheekh Shariif?

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Lafta Gareen iyo Sheekh Shariif?

daajis.com:-Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Lafta Gareen ayaa maanta kulan saacado badan qaatay la yeeshay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka xubnaha Golaha Shacabka.

Sheekh Shariif ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey Lafta Gareen dadaalka uu ugu jiro qabsoomida doorashada baarlamaanka Soomaaliya oo muhiim u ah tan madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ah siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Aadan Madoobe, Senatar hore Ilyaas Cali Xasan iyo xubno kale.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ujeedka safarkiisa Muqdisho wuxuu la xiriiraa wada-tashiyo ku aadan doorashada, gaar ahaan loolanka loogu jiro mida Golaha Shacabka.

Sidoo kale kulankan ayaa imaanaya, iyada oo dhowaan la filayo in maamulka Lafta Gareen uu guda galo qabashada doorashada illaa 9 kursi oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka, waxaana musharixiinta madaxweynaha ay tartan ugu jiraan xildhibaanada soo bixi doono.



Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan billow ah, waxaana illaa iyo hadda liiska kuraasta ugu horreysay soo saaray Galmudug, K/ Galbeed iyo gobollada waqooyi.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada