DEG DEG: Guddigii baarista Kiiska Ikraan Tahliil oo xog soo bandhigay {Daawo}

DEG DEG: Guddigii baarista Kiiska Ikraan Tahliil oo xog soo bandhigay {Daawo}

daajis.com:-  Guddigii loo xilsaaray inay baaris kusoo sameeyaan kiiska ikraan tahliil faarax ayaa caawa maqribkii soo bandhigay natiijo hordhac ah baaritaankii ay sameeyeen.

Guddigaan oo hore R/wasaare Rooble umagacaabay ayaa waxay sheegeen in ay dib uwareysteen Labo qof oo eedeyn loogu soo jeediyey inay wax ka ogaayeen Kiiska Ikraan Tahliil oo 26-kii Juune sanadkaan la waayey.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida General Cabdullahi Buulle Kameey oo kasoo muuqday Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in labada qof ay dib uwareysteen ay kala Ahaayeen C/qani Maxamed Cusmaan (Wadna Qabad) & Asma Yuusuf Cumar oo katirsan Saraakiil Hoosaadka Hay’ada NISA.
Waxa uu General Kameey sheegay in cadeymo ka qoreen Gaashaanle Sare Yaasiin Fareey,Agaasimihii Hore Ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo C/llaahi Kulane oo ahaa sargaal katirsanaa Hay’ada NISA eedeyna loo jeediyey.

Hadaba Go’aanada ay guddiga soo saareen sida hordhaca ah ayaa waxa ka mid ah:

  • In NISA ay si wanaagsan ula shaqeysay Guddiga baaritaanka sameenayey.
  • In Baaritaanka intuu socday lagu waayey saraakiisha NISA kiiska lagu eedeeyey ee Ikraan Tahliil inay ku lug lahaayeen Maqnaashiyahooda.
  • Guddiga waxa uu la wareegay gal baariseedkii NISA ay soo gudbiyeen oo ahaa in Al Shabaab gacantooda ku maqan tahay Ikraan Tahliil
  • Guddiga waxay codsadeen in qof walbo oo xog ka haya kiiskaasi inay lasoo wadaagaan si baaritaanka loo sii hubiyo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada