Farmaajo oo aan ka hadlin geerida Cabdi Casiis Afrika oo Hambalyo diray

Farmaajo oo aan ka hadlin geerida Cabdi Casiis Afrika oo Hambalyo diray

daajis.com:- Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal ku gaashaaman waxbarasho tayo leh taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u dirayaa dhammaan bareyaasha Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka joogtada ahaa ee ay ku bixiyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqaysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahida waxbarasho.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay 4-tii sano ee la soo dhaafay dadaal ku bixisay tayaynta waxbarashada iyo dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgeliyey Manhaj iyo imtixaan Qaran oo mideysan, korna loo qaaday miisaaniyadda waxbarasha dalka.

Hambalyadaan ayaa kusoo aadeysa xillo xalay qarax lagu dilay Wariye Cabdi Casiis Afrika oo ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho, iyadanoo uusan ka helin Farmaajo









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada