Deg deg: Maareeye oo markale loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacaabka

Deg deg: Maareeye oo markale loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacaabka

daajis.com:- Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye.

Maareeye ayaa ku soo baxay codad aad u badan, kadib markii uu la tartamay, kana adkaaday musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi Maareeye ayaa helay 96 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 3 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod

Guusha Maareeye ee kursiga HOP#225 ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayey, maadaama musharaxa la tartamayey uu isagu keensaday, si uu usoo baxo.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, iyada oo la guda-galayo kuraasta xigta ee isla maanta doorashadooda lagu qabanayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, kuraasta maanta la qabanayo doorashadooda ayaa ka mid ah 9 kursi oo uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta Somaliland, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo isku ergo ah, sida uu horey u shaaciyey afhayeenka doorashooyinka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada