DEG DEG: Rooble oo ku dhowaaqay in dalku galay xaalad deg deg ah

DEG DEG: Rooble oo ku dhowaaqay in dalku galay xaalad deg deg ah

daajis.com:- Ra’isul WasaarahaSoomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhaawaaqay inuu dalka galay xaalad bini’aadanimo oo deg deg ah kadib shirkii golaha wasiirada ay maanta ka yeesheen arrintan.

Rooble ayaa sheegay inuu go’aankaan qaatay markii uu arkay warbixintii ay soo gudbiyeen guddi uu dhawaan u saaray qiimeynta abaaraha ku dhuftay qeybo kamid ah Gobolada Soomaaliya.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 Bisha November kadib markaan dhageystay warbixintii ay soo diyaariyeen guddigii aan u magacaabay Xaaladda Abaaaraha ee dalka taas oo muujisay inuu dalka ku sugan yahay Xaalad adag oo ay keeneyn abaaraha, sidaas darteed waxaan ku dhawaaqayaa inuu dalku galay xaalad deg deg ah oo bini’aadanimo loona baahan yahay gurmad deg deg ah gudaha dalka iyo dibadda,” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed, culimada, ganacsatada iyo Beesha Caalamka ugu baaqay si deg deg ah loo garab istaago dadka ay abaaraha saameeyeen.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, ganacsatada, culimada, qurba joogta, beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliyeed inay si mug leh uga qeyb qaataan taakuleynta dadka ay Abaaraha saameeyeen, waana arrin deg deg ah, waxaana rajeenayaa in si deg deg ah ugu soo gurmataan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.


Hadalka kasoo baxay Rooble ayaa kusoo aadaya xilli ay abaaro adag ku dhufteyn qeybo kamid ah Gobolada Soomaaliya, isla markaasna ay dhawaan dad gaajo ugu dhinteyn Gobolka Gedo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada