Aamino Cumar Jaamac oo dib loogu doortay Golaha Shacabka

Aamino Cumar Jaamac oo dib loogu doortay Golaha Shacabka

daajis.com:- Aamino Cumar Jaamac oo Afartii sano ee la soo dhaafay kamid aheyd Xildhibaannada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa markale Maanta loo doortay kursigaas.

Aamino Cumar Jaamac ayaa la filayay inay kursiga Hop#202  kula tartanto Musharrax Aamin Cismaan Diiriye, hayeeshee Goobta doorashada ay kaga dhawaaqday inay tanaasushay.

Intaasi kadib Cod gacan tag ah ayaa waxaa Ergada ay ugu codeeyeen Aamino Cumar Jaamac, waxaana ay heshay codadka dhamaan Ergadii wax doorneysay oo aheyd 101 Ergo, waxaana ay noqotay Xildhibaanka labaad ee Maanta lagu doorto Magaalada Muqdisho.

Waxaa goordhow la guda galayaa doorashada kursiga  Saddexaad ee Golaha Shacabka oo degaan doorashadiisu tahay Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kaas oo ay ku tartami doonaan dhowr musharrax, iyada oo la bedelay ergada wax dooraneysa si ay Ergo kale goobta u soo galaan.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada