Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay xalay magaalada Baydhabo

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay xalay magaalada Baydhabo

daajis.com:- Wararka ka imananaya magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa sheegaya in xalay xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Jugta madaafiicyo la isu adeegsaday ayaa xalay laga maqlay magaalada Baydhabo iyadoo la isu weydaarsaday madaafiic iyo rasaas xoog leh.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay madaafiic ku rideen halka laga soo tuuray hoobiyaal sidoo kale waxaa rasaas laga maqlay mid kamid ah saldhigyada ciidamada booliska magaalada Baydhabo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan xalay ka dhacay Baydhabo iyadoo uu ku soo beegmay xilli magaalada Baydhabo shalay lagu doortay qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Koofurgalbeed iyo ururka Alshabaab oo la xiriira dagaalka xalay ka dhacay Baydhabo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada