Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

daajis.com:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Moxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaaalada Kismaayo ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay howglalka AMISOM oo Maanta gaaray halkaas.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka.

Waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Jubbland Janaraal Yuusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo saraakiisha hay’adaha amniga.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu kulan la qaatao Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo, si uu ugala hadlo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada