RW Rooble oo Guddiyada doorashooyinka ku amray ilaalinta hufnaanta doorashada

RW Rooble oo Guddiyada doorashooyinka ku amray ilaalinta hufnaanta doorashada

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga ee Aalada zoomka shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray Guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

Waxaa uu sheegay in marnaba aysan ka aqbaleyn guddiyada hufnaanta la’aanta doorashada maadaama ay kordheyn cabashooyinka la xiriira doorashada, wuxuuna ku amray in aysan qaban karin doorashada kursi ay cabasho ka taagan tahay.

Kulankaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay kordheen cabashooyinka laga muujinayo doorashooyinka Golaha Shscabka ee laga bilaabay degaannada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay kulan waqti dheer qaatay la yeeshay Midowga musharrixiinta oo walaaca ugu badan ee doorashooyinka muujinayay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu kulan khadka internet-ka ah uu la qaato Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada