Deni oo ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Gen. Bile Faarax Cali + Sawirro

Deni oo ka qeyb galay Munaasabad uu xilka kula wareegay Gen. Bile Faarax Cali + Sawirro

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegeen Taliyihii cusub ee Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Bile Faarax Cali iyo Taliyihii hore Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Cali Nuur.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee uu muddo dheer soo qabtay Gen. Cali Nuur Taliyihii Asluubta ee maanta xilka wareejiyay, Wuxuuna ku maamusay in Bilad Shahaado Sharaf uu ku muteystay sida uu usoo dhisay uga a shaqeeyay po wakhti badan u geliyey Ciidanka Asluubta Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in xarunta Kuliyadda Tababarada Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, ee ku taalla Garoowe loogu magac daro Gen. Cali Nuur, maadaama uu dhowr iyo toban sano ka badan kasoo shaqeynayay dhismaha Ciidanka Asluubta Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u dhacday munaasabadda xilwareejinta Taliyeyaasha Ciidanka Asluubta Puntland, Wuxuuna sheegay in Dowladnimadu ku dhisantahay awaamiir iyo kala danbeyn. Taas oo ay laf-dhabar u tahay sareynta sharciga oo aysan dowladdu marnaba gorgortan ka gelayn.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada