Ciidan ka amar qaadanayey Siciid Deni oo isku dhiibay PSF & Jahwareer kale

Ciidan ka amar qaadanayey Siciid Deni oo isku dhiibay PSF & Jahwareer kale

daajis.com:- War goordhaweyd naga soo gaaray Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa soo bandhigeen duhurnimadii ciidamo ku lebbisan direyska ciidamada Daraawiishta Puntland.

PSF ayaa ku sheegtay ciidanka ay soo bandhigeen kuwo isa soo dhiibay kuwaas oo soo faarujiyey difaacyada Maamulka Puntland una wareegeen Taliska Hay’ada PSF.

Bandhiggaan ayaa kusoo aadaya xilli saacado ka hor ay Maamulka Puntland sheegtay in ciidamo PSF ay dhankeeda u soo wareegeen.

Waa mid isku mid ah saacado gudaheed kala sheegashada labada dhinac oo mid walbo sheegtay in ciidan uu kusoo biiray.

Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee magaalada Boosaaso ayaa sii xoogaysanaya tan iyo intii PSF ay ku gacan seyrtay xilka qaadistii uu agaasimaha hey’addaasi ku sameeyey madaxweyne Deni, Arbacadii todobaadkii lasoo dhaafay.

Xaaladda Boosaaso oo hadda deggen xilli dadweynuhu ka cabsi qabaan in dhinacyada isu hub urursanayaan wakhti kasta dagaal dhexmari karo.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada