DEG DEG: Wada-hadallo xasaasi ah oo u socda Rooble iyo Murashaxiinta

DEG DEG: Wada-hadallo xasaasi ah oo u socda Rooble iyo Murashaxiinta

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe ayaa haatan kulan gaar ah la leh xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka, kaas oo looga hadlayo arimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Kulankan oo mid xasaasi ah ayaa waxaa Rooble ku wehlinayo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, sida wasiirka amniga, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ah inta badan xubnaha midowga musharixiinta, waxaana horkacaya madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in wada-hadalladan diiradda lagu saarayo xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka bilowday ee dalka, siiba tan xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo Daahfurnaanta hannaanka doorashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale waxaa la filayaa in gaba-gabadii kulankan laga soo saaro go’aanno la xiriira doorashada, gaar ahaan cabashada kasoo yeereysay xubnaha musharixiinta mucaaradka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ee ka dhalatay doorashooyinka 2021-ka waxaana dood iyo tabasho ay ka taagan tahay qaabka ay ku billowdeen doorashooyinka.




  






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada