Puntland oo Bangiga Adduunka ka codsatay in mashaariicda aan loo soo marsiin DFS

Puntland oo Bangiga Adduunka ka codsatay in mashaariicda aan loo soo marsiin DFS

daajis.com:-Waxaa ku soo gabagaboobey xarunta Wasaarada Maaliyadda Puntland ee Magaalada Garoowe Shir u dhaxeeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Adduunka , kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dul istaagi lahaa waxqabadyadii mashaariicda hormarinta hanaanka Maaliyadda, dib u habeynta Maamulka Maaliyada iyo Cashuuraha Bankiga Adduunku uu ka taageero Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulankan, oo socday muddo saddax bari ah ayaa la isla eegay guulihii laga gaaray qorsha hawleedka iyo dardar galinta mashuurca PFM/DRM , guulihii/natiijadda la gaaray, sanadkii ugu danbeeyey, tubtii loo maray iyo tallaabooyinkii la qaaday.

Hawl wadeenadda, ayaa soo ban-dhigay warbixino la xiriira waxqabadyadii la gaaray iyadoo la dul istaagay shaqooyinka la qabtay iyo hababka loo qabtay, waxaana laga sameeyay dood furan oo la isla fahmay.

Wasiirka Maaliyadda  Puntland , Xasan Shire Cabdi, ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta ka socda Bankiga Adduunka isagoo ku booriyay in ay sii kordhiyaan wada shaqeynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin Puntland,.

Wasiirka, ayaa Madaxda Bank Adduunka ee Mashaaricda PFM/DRM kula dardaarmay in mashaariicda si toos ah loogu soo hagaajiyo Puntland, madaama ay fashilmeen mashaariicdi la soo marshay DF ee Soomaaliya.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada