Nabadoon Maxamed Xasan oo loogu galay gurigiisa, kadibna la toogtay

Nabadoon Maxamed Xasan oo loogu galay gurigiisa, kadibna la toogtay

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay Nabadoon Maxamed Xassan Nuur oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed.

Dika ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Juungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, kadib markii ay weerareen laba nin oo ku hubeysnaa Bistoolado.

Wararka aya sheegaya in ragga dilka fuliyey ay gudaha ugu galeen nabadoonka, isaga oo xilligaas aqrinayey Kitaabka Qur’aanka Kariimka, kadibna ay toogteen, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga dilka geystay ay si deg deg ah goobta uga baxsadeen, kadib dhacdadaas waxaana goobta gaaray ciidan ka tirsan kuwa amniga.

Meydka marxuumka ayaa sidoo kale loo soo qaaday xarunta dambi baarista hay’adda CID-da ee Booliska Soomaaliyeed, taas oo haatan wadda baaritaano dheeraad ah.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa toogashada loo geystay Nabadoon Maxamed Xasan oo caan ka ahaa xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa uu qeyb ka noqonayaa falal ammaan dari oo ka dhacayey Muqdisho.




Si kastaba, ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa dhankooda xoojiyey howl-gallada lagu sugayo ammaanka, iyaga oo saddexdii habeen ee la soo dhaafay baaritaano guri guri ah ka sameeyey degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada