Madaxweyne Qoor-qoor oo ku dhawaaqay in shan kursi lagu dooranayo

Madaxweyne Qoor-qoor oo ku dhawaaqay in shan kursi lagu dooranayo

daajis.com:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay in shan kursi ee ugu horeysay ee doorashada Golaha Shacabka maalmaha soo socda la qabanayo.

Kulan casho sharaf ah oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa kaga dhawaaqay Madaxweyne Qoor-qoor qabashada kuraasta ugu horeysa ee doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee Galmudug.

“Galmudug Doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa”ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor.

Ku dhawaaqista bilowga doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee Galmudug ayaa waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Afarta Dowlad Goboleed ee kale inay muddo 24 saac gudahood inay iyagana uga dhawaaqaan kuraastii u horreysay ee doorashada Golaha Shacabka.









_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada