Taliyihii Xabsiyada Kenya oo shaqadii laga eryay kadib markii maxaabiis Alshabaab ka tirsanaa ay baxsadeen

Taliyihii Xabsiyada Kenya oo shaqadii laga eryay kadib markii maxaabiis Alshabaab ka tirsanaa ay baxsadeen

daajis.com:- Madaxii xabsiga Kenya ayaa shaqada laga ceyriyay maalmo kadib markii saddex maxbuus oo u xirnaa dambiyo la xiriira argagixisanimo ay ka baxsadeen xabsiga ugu sareeya ee ammaanka.

Bayaan uu soo saaray madaxweyne Uhuru Kenyatta ayuu ku sheegay in Wycliffe Ogalo la bedeli doono si degdeg ah si loo dardargeliyo isla xisaabtanka hoggaanka dhammaan laamaha ammaanka.

Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale faray hay’adaha ammaanka inay adeegsadaan wax walbaoo la heli karo si loo baacsado maxaabiista baxsadka ah.

Eedeysanayaasha baxsadka ah waxaa ku jira Maxamed Cali Abiikar oo lagu helay inuu ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015-kii lagu dilay 148-qof.

Ninka labaad ayaa la xiray sanadkii 2012-kii, waxaana loo xiray weerar la fashiliyay oo lagu doonayay in lagu qaado Baarlamaanka Kenya, halka midka seddexaadna uu isku dayay inuu ku biiro Ururka Al Shabaab ee ka dagaalama Somaliya.


Maamulka ayaa sidoo kale codsi u diray shacabka, iyagoo ku yaboohay 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 178,000; £132,000 (£132,000) si loo helo xog ku saabsan saddexda qof ee baxsaday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada