Xogta ka danbeysay Taliyihii Ciidamada Asluubta Puntland iyo ku xigeenkiisii ee xilka laga qaaday

Xogta ka danbeysay Taliyihii Ciidamada Asluubta Puntland iyo ku xigeenkiisii ee xilka laga qaaday

daajis.com:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo Taliye xigeenkii Ciidanka Asluubta, Gen. Cali Nuur Cumar iyo Gen. Cabdullaahi Cismaan Liibaan, isagoo magacaabay taliyeyaal cusub.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland loogu magacaabay S/Guuto Bile Faarax Cali, halka Taliye ku-xigeenka 1-aad u magacaabay S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal).

Halkan Hoose ka akhriso wareegtada magacaabista

Garoowe: 17 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:

Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada