Sawirro: NISA oo Muqdisho ku qabatay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo keyd hub ah

Sawirro: NISA oo Muqdisho ku qabatay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo keyd hub ah

daajis.com:- Taliska hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howl-galka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa fuliyey ciidamada Duufaan ee hay’adda nabad sugidda, waxaana ay ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

Qoraal kasoo baxay taliska nabad sugidda ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkan lagu soo qabtay saddex sarkaal oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa gudaha xaafaddaasi, kuwaas oo ay hay’addu sheegtay in lagu raadjoogay maalmihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxa hay’adda nabad sugidda shaacisay inay ciidamadu soo qabteen keyd hub ah oo Al-Shabaab ku lahaayeen, kaasoo oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee hubka iyo walxo ay u adeegsanayeen inay ku sameeyaan qaraxyada, sida lagu sheegay qoraalka.

NISA ayaa dhinaca kale u mahadcelisay dadka shacabka ee xogta lasoo wadaagay, isla-markaana kala shaqeeyey howl-galkaasi.

”Waxaa mar walba mudan oo ciidamada NISA aad ugu mahad-celinayaan bulshada Soomaaliyeed oo haatan aad ula shaqeeyey laamaha sirdoonka qaranka,” ayey tiri NISA.

Hubka la soo bandhigay oo aad u tiro badan ayaa ah mid duugoobay, waxaana ay u muuqdaan kuwa muddo sanado ah ku keydsanaa halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa nabad sugida iyo Booliska ay xoojiyeen howl-gallada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu sugayo amniga si looga hortago falalka ammaan darri ee dhacay xilliyada doorashada.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada