Shirka Arrimaha Shidaalka Afrika oo Maanta la soo geba-gabeeynayo

Shirka Arrimaha Shidaalka Afrika oo Maanta la soo geba-gabeeynayo

daajis.com:- Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Magaalada Dubai ugu qeyb-galay Shirka Africa Oil Week 2021 oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay Marti-galisay, kaas oo Maanta la soo geba-gabeeynayo.

Agaasime Maxamed Xaashi Carabeey oo uu wehliyo Gudoomiye xigeenka Hay’adda Batroolka Ee Soomaaliya Caa’isha Axmed ,Agaasimaha Waaxda Sharciyadda Batroolka Ee Wasaaradda Xuseen Cali Axmed iyo khubaro ka tirsan Wasaaaradda ayaa Shirka ku matalayay DFS, Sidoo kale Shirka waxaa ka qeyb-galay Khubaro Caalamka ka Socday, madasha ayaa laga sheegay in Soomaaliya ay tahay Dal hodan ku ah macdanta gaar ahaan Shidaalka.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey oo Shirweymaha ka hadlay ayaa tilmaamay in DFS ay diyaarsay Sharciyadda hagaya Hay’adaha iyo Shirkadaha Doonaya in ay qeyb ka noqdaan Shirdaha doonaya Soo Saaridda iyo iib -geynta Shidaalka Dalkeenna.


Sidoo kale Waxaa Gudoomiye Xigeenka Hay”adda Batroolka Soomaaliya Caa’isha Axmed ayaa Shirka ku Soo bandhigtay Fursadaha Maal-gashi ee la Xiriira arimaha Shidaalka ee ka jira Soomaaliya ,halka Khubaradii kale ay soo bandhigeen Geology-ga dalkeenna

Shirkan Waxaa ka qeybgalayay Dalal kala duwan iyo Shirkadaha Shidaalka ee Caalamka
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa wada dadaallo wax ku ool ah oo ku aadan ka faa’iideysiga Kheyraadka Dalkeenna .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada