DAAWO:- ROOBLE oo safar dhulka ah ku tegay Balcad

DAAWO:- ROOBLE oo safar dhulka ah ku tegay Balcad

daajis.com:- 
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyoi wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tegay degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Rooble ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo saraakiil ciidan, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey bulshada iyo maamulka Shabeelaha Dhexe.

Ra’iisul wasaaraha ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni iyo mida nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku xeeran.

Sidoo kale Rooble iyo wafdigiisa ayaa kormeeray dhismaha waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la kulmi doono saacada uu joogo gudaha Balcad waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Ammaanka ayaa dhinaca kale si weyn loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada iyo duleedkeeda, si ay u sugaan amniga wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Waa booqashadiisii ugu horreysay ee uu Rooble ku tegay Balcad, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.


Si kastaba, safarka Rooble ee Balcad ayaa dad badan ku noqday lama filaan, maadaama ay magaaladan u nugushahay weerarada ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada