Xog: Dowladda Qatar oo wada qorshe lagu heshiisiinayo Al shabaab iyo Dowladda Federalka

Xog: Dowladda Qatar oo wada qorshe lagu heshiisiinayo Al shabaab iyo Dowladda Federalka

daajis.com:- Waxaa magaalada Dooxa ka socda kulamo xasaasi ah oo ay leeyihiin madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya iyo amiirada dalka Qatar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay gaaray caasimadda Dooxa ee dalka Qatar waxaana halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo katirsan dowladda imaaradda Qatar.

Safarka madaxweyne Farmaajo waxaa ku wehlinaya wasiirka arrimaha Dibadda ee dhawaan xafiiska la wareegay Cabdisaciid Muuse iyo waliba wasiirka ciyaaraha Xamsa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta wada hadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya wadashaqaynta dhow ee ay leeyihiin, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay.

Ilo xog xogaal ah ayaa sheegaya in Qatar ay waddo qorshe lagu heshiisiinayo dowladda Soomaaliya iyo Al shabaab si dagaalka daba dheeraaday loo soo afjaro.

Qatar ayaa qorshahan u isticmaaleysa sidii ay u heshiisiisay madaxda Afghanistan iyo ururka Taaliibaan iyadoo markii dambe sabab u noqotay iney ishor fariistaan madaxda Taliban iyo wakiilo ka socday dowladda Mareykanka.

Talaabada ay Qatar qaaday ayaa ugu dambeyntii sababtay in Taaliibaan ay la wareegaan Afgahinstan iyadoo aan la ogeyn sida uu u bilaaban doono wadahallada Al shabaab iyo madaxda DF Soomaaliya






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada