Arrinta kala qeybisay xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo la shaaciyey

Arrinta kala qeybisay xubnaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo la shaaciyey

daajis.com:- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa markii u horeysay ka hadlay dooda kala qeybisay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka.

Cabdiraxmaan ayaa qiray in Midowga Musharaxiinta ay ku kala qeybsameen doorashada socota, oo qaarkood ay rabaan in la hakiyo, halka kuwa kalena ay rabaan in doorashada ay sii socoto oo la saxo qaladaadka ka jira oo keliya.

“Midowga Musharaxiinta waa dhici kartaa, kuwa kale oo banaanka ka jira waa dhici karta oo leh doorashada ha socoto. Waxaa jirra dad u haysta Ninkaan (Farmaajo) aan geyno teendhada koley ku guuleysan maayo, anagana doodeena waxay tahay anaga oo badan mushkilad asaga ka weyn oo haysata dalka majirto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay ku heshiiyeen boobka kuraastaas, kuwaasi oo qaarkood u shaqeynayaan Farmaajo, halka kuwa kalena ay musharaxiin yihiin laftigooda, sida uu sheegay.

“Qalalaase ama rabsho ayuu sameyna ninkaas (Farmaajo), ama natiijada doorasho kasta ayuu diidi doona. Ciidamadaasna (kuwii laga soo celiyay Eritrea) waxa uu rabaa in uu xoog ugu qabsado dalka.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay maalmihii dambe soo baxayeen kala qeybsanaan midowga musharaxiinta dhexdooda ah, taasi oo ku aadan go’aamada qaar ee ay goluhu soo saareen ee ku aadan doorashada socota ee dalka.


Xisbiga Mucaaradka ee Himilo Qaran, islamarkaana uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hore u shaaciyey in aysan marnaba raalli ka aheyn doorashada boobka ah, balse haddii la saxo qaladaadka ka jira hannaankeeda ay soo dhoweynayaan inay sii socoto doorashada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada