Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen oo mowqif wadajir ah kasoo saaray doorashada

Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen oo mowqif wadajir ah kasoo saaray doorashada

daajis.com:-  Madaxweyne goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen oo kulamo ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aadan doorashooyinka dalka, waxayna sheegeen inay doonayaan inay sii socdaan.

“Madaxdu waxay isla garwaaqsadeen in qabsoomidda, dardargelinta iyo dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen.

Go’aanka ay soo saareen labada madaxweyne goboleed ayaa dhabar-jab weyn ku ah Midowga Musharaxiinta mucaaradka oo dalbaday in la hakiyo doorashooyinka golaha shacabka oo ay sheegeen in la boobayo.

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa u muuqda inay ku kali noqdeen ololaha ay ku doonayaan in doorashada lagu hakiyo, waxaana xitaa dalabkooda diiday madax goboleedyadii la rumeysnaa inay isku dhow yihiin, sida Axmed Madoobe.

Mowqifka Axmed Madoobe ayaan la-yaab laheyn, maadaama uu goor horeba soo saaray liiska 14 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo Jubaland ay dhowaan qabaneyso doorashadooda, halka Lafta-gareen uu goor horeba billaabay doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey ugu gacan seeray dalabka mucaaradka ee ah in doorashooyinka la hakiyo.

Iska daa banaanka kore’e xitaa xubno ka mid ah Mucaaradka sida guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa la rumeysan yahay inuusan raali ka aheyn in la hakiyo doorashooyinka, inkasta oo lagu xamanayo inuu ku xirtay Farmaajo iyo Fahad.


Ma cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxaa muuqata in Soomaaliya aysan marnaba ka dhici doonin doorasho daah-furan, waxaana furan kaliya laba ikhtiyaar oo kala ah; in sidan doorashada lagu aqbalo iyo in dalka uu galo dagaal.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada