Banaanbax rabshado wata oo xalay ka dhacay magaalada Laascaanood

Banaanbax rabshado wata oo xalay ka dhacay magaalada Laascaanood

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay xilli dambe uu halkaasi ka dhacay Banaanbax xooggan oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka kunool Magaaladaas.

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana intiisa badan dhigayay dad u badan dhalinyarada Magaalada.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka soo horjeeda Maamulka Somaliland, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan dilal ka dhacay Magaalada laas-Caanood oo qaarkood ay ku lug leeyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliland.


Ciidamada Somaliland ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay oo qaarkood dhagxaan ku tuurayay Ciidamada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in banaanbaxa ay dad ku dhaawacmeen.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada