Ciidamada Booliska Puntland oo fuliyay howlgal dad lagu qab qabtay

Ciidamada Booliska Puntland oo fuliyay howlgal dad lagu qab qabtay

daajis.com:- Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgal qorsheysan waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxaa ay ku baarayeen Guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka isticmaalaya, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Togdheer ee Puntland Fatxi Cabdikariin ayaa sheegay in howlgalkaan loogu magac daray xasilinta Magaalada, isla markaana looga hortagayo kuwa falalka amni darro geysta iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay siweyn u adkeeyeen Amniga Magaalada Buuhoodle, sidoo kalena ay kusoo kordhiyeen bara koontorool oo Gaadiidka lagu baarayo, wuxuuna ka codsaday Bulshada inay Ciidamada kala Shaqeeyaan augida Amniga

Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa ay soo martay gacanta Maamulo kala duwan, waxaana dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed walo bilihii la soo dhaafay Amniga Magaalada uu soo hagaagayay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada