Somaliland oo joojisay mashaariicda Hay’adaha UN-ka ka fuliyaan degaannadeeda

Somaliland oo joojisay mashaariicda Hay’adaha UN-ka ka fuliyaan degaannadeeda

daajis.com:- Somaliland ayaa sheegtay in ay iska joojisay mashaariic Qaramada Midoobay ay bixiso oo ay sheegtay in ay wax u dhimayaan gooni isku taagooda iyo madax bannaanidooda.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa sheegay in iyadoo Somaliland ka ka fekeraysa madax bannaanideeda in ay hakisay dhammaan wixii mashaariic ahaa ee UN-tu ka qabanaysay.

Wasiir Saleebaan ayaa sheegay in mashaariicdan ay dareemeen in ay meel ka dhac ku yihiin masiirkooda gooni isku taaga.

“Waxaanu isweydiinay ma waxaad qaadataan, wax madax bannaanidiina iyo dadka doonistooda waxyeeleeya, oo ah mashaariic yaryar oo UN-tu bixiyaan, mise dadka madax bannaanidoodii ayaad u ilaalisaan, loona dhiman maayo mashaariicda UN-tu bixiso,” ayuu yiri wasiir Koore.

Wasiirku ma sheegin nuuca ay yihiin mashaariicda la joojiyay iyo sida ay dhaawac ugu yihiin madax bannaanida Somaliland. Balse wuxuu carabaabay in ay jiraan mashaariic la siyaasadeeyay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada