Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho

daajis.com:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay sanadkii 2017, xilligaas oo markii uu xilka Ra’iisul Wasaarenimo wareejiyay dalka ka tagay, waxaa uu ahaa Musharaxii kaalinta 4aad galay doorashadii 8 February, inkastoo uu wareeggii labaad tanaasulay.

Cumar C/rashiid ayaa waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah Xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo Mas’uuliyiin hore.

Iasagoo kula hadlay saxaafada garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu sheegay in xaalad xasaasi ah uu dalka ku jiro, waxa hadda socda ee qaladaadka doorashada ka jira uu salka ku haayo habraacii doorashada ee August, mar uu is lahaa doorashada iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ku biiri doontaa, balse xaalada ay hadda cakiran tahay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada