Ciidamada DF oo mar kale caawa rasaaseeyey Bajaaj kuna dilay sarkaal ciidan

Ciidamada DF oo mar kale caawa rasaaseeyey Bajaaj kuna dilay sarkaal ciidan

daajis.com:-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliya oo ciidamo ka tirsan dowladda ay caawa ku rasaaseeyeen magaalada Muqdisho.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Mahad Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, oo markii dambe uu u geeriyooday kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xilli uu la socday mooto Bajaaj mareysay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM4.

Sarkaalka oo dhaawac culus uu markii hore ka soo gaaray rasaasta ayaa la geeyey Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, halkaas oo markii dambe uu ku geeriyooday.

Ciidamadii rasaasta ku furay mootada uu la socday Mahad ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen, waana habeenkii labaad oo si xariir ah uu fal-noocaan ah uga dhacayo magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gaari military ayaa xalay sidaan oo kale wiil iyo gabar walaalo ahaa ugu toogtay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadibna waxaa goobta isaga baxsaday gaarigii ay wateen askarta dishay wiilka iyo gabadha.

Dhacdadaas oo noqotay mid xanuun badan oo ay wada dareemeen dadka reer Muqdisho, ayaa wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in weli aan la aasin meydadkii labada qof ee walaalaha ahaa.






Meydadka Wiilkii iyo Gabadhii xalay lagu dilay isgoyska Dabka ayaa weli ku jira qaboojiyaha, waxaana la sheegay in ehellada dhalinyaradaas ay wacad ku mareen in aan la aasi doonin ilaa inta dowladda Soomaaliya ay cadaalada ka hor keeneyso askartii dishay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada