Eric Zemmour oo ugu baaqay Muslimiinta kunool Faransa in ay ka tanaasulaan ku dhaqanka diinta

Eric Zemmour oo ugu baaqay Muslimiinta kunool Faransa in ay ka tanaasulaan ku dhaqanka diinta

daajis.com:- Hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Faransiisa ahna musharax madaxweyne Eric Zemmour, ayaa ka dhawaajiyay hadalo u muuqda islaam naceyb sidoo kale uu ugu goodinayo muslimiinta kunool dalka Faransiiska.

Siyaasigan cunsuriga ah ayaa sheegay in muslimiinta kunool Faransiiska looga baahan yahay in ay dhax galaan bulshooyinka kala duwan ee kunool dalkaasi hadii ay doonayaan in dalkaasi kusii noolaadaan.

Waxa uu sidoo kale siyaasigan u sharaxan xilka Madaxweynaha dalka Faransiiska sheegay ay in Muslimiinta kunool Faransiisku looga baahanyahay inay ka tanaasulaan ku dhaqanka diinta Islaamka.



Ninkan ayaana horey sidoo kale u jeediyay hadalo islaam naceyb xambaarsanaa taa oo keentay in lacago lagu ganaaxo, waxa uuna Siyaasigan caan ku yahay naceybka islaamka iyo dadka soo galootiga ah.


Hadaladan kasoo yeeray musharaxan u taagan xilka Madaxweynaha Faransiiska ayaa si weyn waxaa uga carooday muslimiinta kunool dalkaasi oo sheegay in hadalada ninkan yihiin kuwa aan la aqbali karin.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada