Laba caqabad oo hortaagan go’aanka ay mucaaradka ku dhisayaan Gole Qaran

Laba caqabad oo hortaagan go’aanka ay mucaaradka ku dhisayaan Gole Qaran

daajis.com:- Mucaaradka Soomaaliya ayaa weli ku shirsan Caasimadda, doodoodu waa dheeraatay waxayna ka culus tahay doodihii hore.

Waxay ka xaajoonayaan inay toos u abuuraan nidaam doorasho ama mid maamul oo barbar socda midka hadda ka jira dalka ee gacanta ku haya doorashada la isku fahmi la’yahay.

Kulankaan ayaa xoogaa dib loo dhigay Maalintii Khamiista aheyd iyadoo la sugayey xubno ka maqan dalka. Dhanka musharixiinta mucaaradka xubnaha dalka ka maqan waxaa kamid ah Ra’isulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo safar ku joogo dalka Turkiga.

Kheyre oo la sugayey inuu Shalay oo Jimco aheyd soo galo Magaalada Muqdisho ayaan weli imaan, waxayna kooxdiisa ololaha sheegeen inuu rabo inuu halkaas ku arko qaar kamid ah madaxda maamul Goboleedyada.

Mucaaradka waxay isku fahmeyn in gogoshada la ballaariyo maadaama ay rabaan inay ku dhaqaaqaan tallaabo culus.

Intooda badan oo isku qoys ah ayaan u saamaxeyn inay mowqifkooda Soomaaliyeeyaan ama Soomaalida kale ka iibiiyaan, sidaas darteed waxay isku fahmeyn in kulanka la ballaariyo oo la waafajiyo nidaamka wax qeybsiga Soomaalida ee 4.5.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo laba jeer Ra’isulwasaare kasoo noqday Soomaaliya ayaa kamid ah xubnaha ay casuumeen.

Waxaan kaloo midowga musharixiinta kasoo xiganay inay ergo u direen Cabdiweli Gaas, Jawaari, Cabdiraxmaan Faroole, Jurulle iyo xubno kale.

Dhammaan dhinacyadaan ayey rabaan mucaaradka inay wax ku yeeshaan go’aan cusub oo lagu dhisayo Gole Qaran oo dalka samatabixin kara sida ay iyaga qabaan.

Haddii ay ku guuleystaan xubnaha ay hadda casuumeyn oo kulanka sidaas u ballaariyaan wuu ka macno badnaan doonaa sida uu hadda yahay, lamana hubi in xubnaha ay hadda casuumeyn wada aqbali doonaan gogoshaas Muqdisho taala.

Culeysyada heysta kooxdaan waxaa kamid ah waqtiga, haddii ay mucaaradka sii daahiyaan go’aankooda oo aan xilli hore jihadooda la ogaan waxaa macquul ah inay saameyso doorashada socoto.

Haddii ay doorashada gaarto inay ugu yaraan soo baxaan in ka badan 100 Xildhibaan waxay mucaaradka ku noqon doontaa culeys, balse safarada ay Qoor Qoor iyo Laftagareen galeen fursad ayuu u yahay mucaaradka oo doorashadii ayaa si dadban u istaagi karta, taasoo dadka usoo jeedineysa dhinaca shirka mucaaradka iyo in go’aamadooda la sugo.






Waxaase jirta aragti kale oo qaarkood qabaan oo ah inayba fursad u tahay inay doorashada sii socoto kuraas cusubna la boobo, sababta waa inay heli doonaan Qabiilo iyo siyaasiyiin lasoo xoogay kuraastoodii oo diyaar u ah inay xoog iyo xoolaba ku taageeraan mucaaradka.

Xogaha kale ee aan shirka mucaaradka ka heleyno waa in xatta iyagu aysan weli isku mowqif ka aheyn howsha socota. Dooda dhexdooda taala weli maahan kama dambeys.

Xubnaha ay casuumeen ka sokow mucaaradku iyagaa isku wada turxaan bixin maadaama ay dhexdooda ku jiraan xubno aaminsan inay natiijo fiican ka heli karaan doorashada hadda socoto.

Kooxda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamulada taabacsan ayaa u muuqda inaysan dooneyn inay la fariistaan, u joojiyaan ama dhageystaan qeyla dhaanta doorashada ee ka imaaneysa mucaaradka, qabiilada iyo shaqsiyaadkii tartami lahaa qaarkood.

Walaac badan ayey bulshadu ka qabtaa sida ay macquul ku tahay inay doorashadaan nabad ku dhammaato oo dalkuna uu nabad kaga gudbo xilliga kala guurka.

Kulamada mucaaradka ayaa sii socon doona xilli guddiyada doorashooyinka weli ay ku dhiiran la’yihiin inay buriyaan oo waxba kama jiraan ka dhigaan natiijada kuraasta sida tooska ah loo boobay ee Golaha Shacabka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada