Ciidamada Itoobiya Oo Magaalo Ka Tirsan Gobalka Tigrayga Kala Wareegay TPLF

Ciidamada Itoobiya Oo Magaalo Ka Tirsan Gobalka Tigrayga Kala Wareegay TPLF

daajis.com:- Ciidamada Itoobiya ayaa guullo hor leh ka sheegtay dagaalka 13-ka bilood ka socda ee kala dhaxeeya xoogagga TPLF, ayaa sheegay in ay magaalo muhiim ah oo ku taalla gobalka Tigrayga ay la wareegeen.

Guusha Abiy ciidamadiisa ka so yeertay ayaa lagu sheegay in ay la wareegeen magaalada Alamata ee dhacda gobalka tigrayga.

Talaabada Abiy iyo ciidankiisa ay guusha ku sheegteen ayaa sidoo kale timid xilli ay TPLF qaramada midoobay ugu baaqday in la qaato jidka wadahadalada.

Sheegashada ciidamada Itoobiya illa iyo hadda kama jawaabin dhigooda dagaalka kula jira ee Tigrayga.

Debretsion Gebremichael, oo ah madaxa TPLF , ayaa ku sheegay qoraal uu qaramada midoobay u diray in ka bixitaankooda uu yahay talaabo dhanka nabadda loo qaday 13 bilood oo dagaal ah kadib.

“Waxaan ku kalsoonahay in ficilkayaga geesinimada leh ee ka bixitaankeena in uu noqon doono waddo Nabadeed” ayuu yiri Gebremichael.

Qoraalka qaramada midoobay ay u direen hogaanka mayalka adag ee TPLF ayeey sidoo kale ku dalbadeen in baaris dhab ah iyo cunaqabateyn lagu soo rogo Abiy iyo xulafadiisa.

“Waxaan ku baaqyna in la sameeyo aag ka caagan duullimaadyada diyaaradaha cadawga ku ah ee dulmara gobolka Tigray, in cunaqabatayn hubka lagu soo rogo Itoobiya iyo xulafadeeda Eritereeya, iyo in la sameeyo hab  lagu xaqiijinayo in xoogagga hubaysan ee shisheeye isaga baxaan Tigrayga” ayuu yiri Gebremichael




Getachew Reda oo ah afhayeenka kooxda TPLF ayaa sheegay in ciidamada Tigraygu ay ka baxayaan Axmaarada iyo Canfarta.

“Waxaan go’aansannay inaan ka baxno deegaannadaas oo aan u gudubno Tigray-ga. Waxaan rabnaa inaan furno albaabka gargaarka bini’aadantinimo,” ayuu yiri Getachew.

“Ma danaynayno inaan la wareegno gobolka Canfarta,  Annagu ma danaynayno in aan gorgortan adag la galno Addis Ababa, Waxa aannu danaynaynaa oo keliya in aannu hubinno in go’doominta naxariis darada ah ee lagu hayo dadkeenna in ay jabto” ayuu yiri afhayeenka TPLF.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada