Cudur sidaha Omicron oo kusii baahaya Mareykanka

Cudur sidaha Omicron oo kusii baahaya Mareykanka

daajis.com:- Saraakiisha caafimaadka Mareykanka ayaa sheegay in tafiirta cusub ee cudurka COVID-19 ee Omicron uu hadda ka dheereeyay nuuca Delta oo ahaa kan ugu badan ee ay u dhimanayeen ama isbitaallada loo geynayay dadka Mareykanka bilooyinki ugu danbeeyay.

Xarunta Xakameynta iyo Kahoryagga Cudurrada ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo CDC ayaa Isniinti sheegtay, in 70 boqolkiiba kiisaski la diiwaangeliyay todobaadki hore ay noqdeen cudursidaha Omicron ee Covid-19.
Gobolka New York oo kaliyah, 90 boqolkiiba ayay gaareen kiisaska cusub ee dadka uu ku dhacayo Omicron, waxaa kasii badan gobollada Koofurbari, kuwa warshadaha caanka ku ah ee Galbeedkadhexe iyo gobollada kulaala badda Baasifiga.

Saraakiisha caafimaadku waxay ka digeen in kiisasku ay cirka isku shareeri karaan, marka la gaaro fasaxa ciidda masiixaga ee dhamaadka bishaan December ama wixi ka danbeeyo. Dadka ayaa looga digay safarrada iyo goobaha la isugu yimaado.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada