Dowladda Ingiriiska oo u hanjabtay mid kamid ah maamul Goboleedyada dalka

Dowladda Ingiriiska oo u hanjabtay mid kamid ah maamul Goboleedyada dalka

daajis.com:-  Dowladda Ingiriiska ayaa joojin doonta taageerada ay siiso ciidamadda maamulka Koonfur Galbeed haddii ay ku lug-yeeshaan arrimo siyaasadeed, sida ay shaaca ka dhigtey danjire Kate Foster.

Foster oo marti ku ahayd Madasha Aragti-wadaaga Garowe Online ee Twitter-ka ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa daahfuran oo waqtigooda ugu qabsooma si daacad ah.

Sida laga soo xigtey Foster, xukuumadda London waxaa ka go’an in ay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya si dib loogu dhiso ciidamadda qaranka.

“Waxaan ka dalbanayaa hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay ka fekeraan in ka baxsan danahooda gaarka ah,” ayay ku tiri nuqul kamid ah hadal-jeedinta ay sameysay.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah maamuladda illaa haatan bilaabay xulista xubnaha Aqalka Hoose. Musharaxiinta madaxtinimadda waxay dureen qaabka ay ku bilaabatay coddeynta ayaga oo dalbadey sixid.

“Waxaan naga go’an in aan ka caawino Soomaaliya in ay dib u dhisto ciidamadeeda, balse haddii ciidanka aan ku tababarno

Baydhabo ay ku lug-yeeshaan siyaasadda maxaliga ah, waxaan joojin doonaa tababarka iyo taageeradda waana kasoo bixi doonaa

[magaalada],” ayay raacisay.

Hanjabaadda boqortooyadda Ingiriiska ayaa kusoo beegmaysa xilli qaar kamid ah madaxda Soomaalida ay Baydhabo u joogaan

ka qeybgalka xafladda dabaaldega sanad-guuradda 3aad ee doorashadda Cabdicasiis Laftagareen.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed