Faahfaahin ku saabsan dagaalka Boosaaso oo sii xoogeystay iyo PSF oo….

Faahfaahin ku saabsan dagaalka Boosaaso oo sii xoogeystay iyo PSF oo….

daajis.com:- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socda iska hor imaad u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hore ee ciiddanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya rasaas culus oo laga maqlayo xaafaddaha magaalada Boosaaso, waxaana xaafaddaha xabbadu ka socota ka qaxaya dadka shacabka oo horey halkaas u daganaa.

Lama oga cidda bilowday dagaalka, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in ciiddanka Puntland ay weerar ku qaadeen taliska guud ee hay’adda PSF, halkaas oo ay isku urursadeen ciiddanka PSF.

Dagaalkada ayaa saameyn ku yeeshay xarunta Ciidamada PSF, madaxtooyada Boosaaso iyo aaggaga u dhow iyadoo ciidamada dagaalamayo ay yihiin kuwa aad isugu dhow difaac ahaan.

Ciidamada PSF ayaa la sheegay inay duqeyn xoog leh u geysteen Xarunta Madaxtooyada Boosaaso taasoo keentay inay isaga baxaan ciidamadii daacadda u ahaa Saciid Deni ee halkaas ku sugnaa.

Waxaa lasoo sheegayaa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ka dhashay iska hor imaadka socda, welise lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Wada hadalo muddooyinkii ugu dambeysay loogu jiray in lagusoo afjaro xiisadaha Boosaaso ayaa guul daraystay, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen go’aanno kasoo baxay Isimada.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada