Cumar Filish;”Degmada Kaaraan waxaa ka jira warshado maandooriyaha lagu farsameeyo lehna ilaalo xooggan”

Cumar Filish;”Degmada Kaaraan waxaa ka jira warshado maandooriyaha lagu farsameeyo lehna ilaalo xooggan”

daajis.com:- Kulan loogaga hadlayay sidii wax loogaga qaban lahaa amni darri ka soo korortay degmada Kaaraan oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu go’aamiyay in la iska kaashado sidii wax looga qaban lahaa ammaanka degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Filish” ayaa sheegay in kulanka loogaga hadalay sida ay bulshada rayidka, Odoyaasha dhaqanka, laamaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ay iskaga kaashan lahaayeen sugidda amniga degmada Kaaraan.

“Amniga waa laf-dhabarka bulshada, in shacab iyo dowladaba ay wada ilaaliyaan waa arrin muhiim ah, si loo hello horumar iyo xasilooni.”ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka hadlay sababaha keena amni darada ka jirta gobolka Banaadir.

“Amni xumada ka jirta degmada Kaaraan waxaa ay sababtay in degmada noqotay suuq maandooriyaha lagu iibiyo, lehna warshado qamri macmal lagu farsameeyo oo aan si sahlan lagu suuli karin ayna leeyihiin ilaalo hubeysan, kooxahaasna waxa ay ka awood badan yihiin ciidanka Booliska, Nabadsugida iyo Maamulka degmada.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa duqa Muqdisho Cumar Filish.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur waxana uu sheegay in dhawaan ay dowladdu bilaabi doono howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka hubeysan ee aan dowladda ka amar qaadan.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa inay nasoo gaartay fariintiina, waa dembi in qof aan ka tirsaneyn ciidanka qaranka uu soo qaato qori oo bulshada la dhex-joogo, waxaan ka yeeli laheyn waa ka tashanay, dhawaana waxaan ka qaadi doonaa tallaabada ku haboon,” ayuu yiri wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Kaaran ee gobolka Banaadir ka dhacayay falal amni darro oo ay kamid yihiin dil,kufsi iyo dhac loo geysto dadka rayidka ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada