Hogaamiyaha Israa’iil oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagaya Imaaraadka Carabta

Hogaamiyaha Israa’iil oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagaya Imaaraadka Carabta

daajis.com:- Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, ayaa maanta oo Axad ah u safri doona dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxana uu la kulmi doonaa hoggaamiyaha dowladda Khaliijka, taas oo noqonaysa booqasho heerkeedii ugu sarraysay ee hoggaamiye Isra'iili ah.


Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda gobolka ay sare u kacday, iyadoo quwadaha adduunkuna ay isku dayayaan inay cusbooneysiiyaan heshiiska nukliyeerka ee Iran.

Israa’iil ayaa dooneysa inay difaacdo wadajir ah la sameysato dalalka Khaliijka Carabta, kuwaas oo ay wadaagaan walaaca ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyada Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa dhawaan xiriir la sameeyay dalka ay dariska yihiin ee Iran, isaga oo u diray sarkaal sare Isniintii lasoo dhaafay.

"Waxaan maanta safar ugu bixi doonaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, booqashadii ugu horreysay ee uu abid ku tago Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil," ayuu Bennett u sheegay golihiisa Wasiiradda Axadda maanta ah,sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sida uu sheegay xafiiska Ra'isul Wasaare Bennett, wuxuu la kulmi doonaa dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan Isniinta berri ah.


Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay Imaaraadka, kaas oo xaqiijinaya socdaalka Ra'isul Wasaaraha Isreal.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada