Xog: R/W Rooble oo ku gacan sayray mucaaradka, amray in doorashada lasii wado

Xog: R/W Rooble oo ku gacan sayray mucaaradka, amray in doorashada lasii wado

daajis.com:- Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku gacan seeray dalabkii mucaaradka ee ahaa in la hakiyo doorashooyinka dalka, wuxuuna amray in lasii wado, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Caasimada Online waxay shalay qortay in Rooble uu aqbalay baaqa mucaaradka ee ahaa in la isugu yimaado shir ku saabsan arrimaha doorashada, balse wuxuu doonayaa kaliya in lagu saxo khaladaadka jira, waxna looga qabto cabashada mucaaradka, mana u qorsheysna in doorashada la hakiyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Woqooyiga, wuxuuna u sheegay in la xaliyey khilaafkii Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, loona madax baneeyey doorashada kuraasta iyo hab-maamulka beelaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha Reer Woqooyiga iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku fahmay in lasii wado geediga doorashada oo aan la joojin.

Afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Reer Woqooyioga ayaa todobaadkaan la dooran doonaa, taasi oo ka dhigan in Rooble uu laalay mid kamid ah qodobadii ay mucaaradka soo jeediyeen oo ahaa in doorashada la joojiyo.

Xubno kamid ah Reer Woqooyiga oo aan la hadalnay waxay intaas ku dareen inuu Ra’isul Wasaare Rooble ka dalbaday in kuraasta dhiman la dadajiyo si loo xaqiijiyo natiijada guud ee doorashada dalka.

Mowqifka Rooble ayaa astaan u ah sida ay u kala fogaadeen isaga iyo mucaaradka oo mar xulufo ahaa, islamarkaana garab xooggan siiyey markii ay is-hayeen madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka ku yimid Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.


Ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan mucaaradka, hase yeeshee waxaan horey u werinay in qorshahoodu yahay in la dhiso gole qaran oo dalka maamula, sidoo kalena dib loogu yeero ciidankii Badbaado Qaran. 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada