Yahuuda ayaa ka walaacsan siyaasada dowladda cusub ee dalka Germany?

Yahuuda ayaa ka walaacsan siyaasada dowladda cusub ee dalka Germany?

daajis.com:- Siyaasiyiinta iyo diblomaasiyiinta Israel ayaa indho walaac leh ku eegaya isbeddelka xukun ee ka dhacay Germany, halkaasi Angela Merkel ay xukunka ka degtay kadib 16 sano.

Waxaa jirta cabsi ah in maamulka cusub ee Germany uusan Israel u taageeri doonin si la mid ah kan xukunka kaga horeeyey.

Eldad Beck, oo ah qoraa ka tirsan wargeyska Israel Hayom, horeyna u qoray buugaag badan oo ku saabsan xiriirka Germany iyo Israel ayaa sheegay in siyaasadda dowladda cusub ee wadaagga ah ee Berlin oo ka kooban 177 bog ay ku jiraan qodobo walaac leh.

Beck ayaa sheegay in siyaasaddaas ay ku jirto in Germany ay si xooggan uga soo horjeedo sharciga oranaya in Israel “ay tahay qaran Yahuud.”

Waxa uu sidoo kale cambaareeyey ballan-qaadka dowladda isbaheysiga ee ah “inay ku baaqi doonto joojinta dhismaha deegaanada Yahuudda, ee ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah.”

Beck waxa uu su’aal ka keenay ballan-qaadka dowladdaas ee ah inay maal-gelin doonto hay’adda UNRWA, oo ah ah midda QM u qaabilsan taageerada qaxootiga Falastiin.

Marka ay noqoto Iran, oo Israel ay u aragto mid halis ku ah jiritaankeeda, Beck ayaa sheegay in dowladda cusub ee Germany ay rajeyneyso in deg deg loo soo gaba-gebeeyo wada-hadallada Nukliyeerka “ayada oo Iran lagu celinyo u hoggaansamidda heshiiska Nukliyeer ee 2015.”

Israel ayaa kasoo horjeedda in Iran lala galo wada-hadallo ama heshiis Nukliyeer, oo hogaaminaya in laga qaado cunaqabateynada, ayada oo rumeysan in taasi ay siin karto fursad ay kusii horumariso barnaamijkeeda Nukliyeerka. 

Ra’iisul Wasaraaha cusub ee Germany Olaf Scholz ayaa la dhaariyey 8-dii December, waxaan hadda Israa’iliyiinta ay ka war dhowrayaan sida uu siyaasadihiisa u fuliyo.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada