Daawo:- Ciidamada DF oo howl-gal ku burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

Daawo:- Ciidamada DF oo howl-gal ku burburiyey xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda maanta ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo lagu beegsaday xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan si gaar ah loogu burburiyey xarumo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Gambarey, Dawacaale iyo Geediyaan oo dhammaan hoostaga gobolkaasi, kadib markii ay ciidamadu gudaha u galeen deegaanadaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-gallada ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen fariisimo ay dagaalayahanada kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ayna la wareegeen gabi ahaan gacan ku heynta saddexdaas deegaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa sidoo kale xarumo cusub ka sameystay halkaasi, waxayna saraakiisha horkaceysa sheegeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in lagu kor dagaalamo, maadaama ay labada dhinac wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada ay sida weyn ugu xoogan tahay Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro khasaare kala duwan geysta.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada