Khilaafkii ka dhex taagnaa Madaxda Somaliland ee Muqdisho oo la xaliyay

Khilaafkii ka dhex taagnaa Madaxda Somaliland ee Muqdisho oo la xaliyay

daajis.com:- Mad-madowhii maalmihii la soo dhaafay soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ee ku saabsanaa Arrinta doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa xal laga haaray, iyadoo la isku afgartay in la dardar geliyo howlaha doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay labadan Mas’uul ee ugu sareeya siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana la isku afgartay in arrimaha mad-madowga ka dhex jira la dhammeeyo, horayna loo socdo.

Dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxaa uu khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed, waxaana la isku hayay cida maamuleysa doorashada kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.


Waxaana markii u dambeysay lagu heshiiyay in labada dhinac wadajir u maamulaan doorashada xubnaha labada Aqal ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada