Daawo: Xuseen Ceydiid oo sheegay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan hay’adda NISA

Daawo: Xuseen Ceydiid oo sheegay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan hay’adda NISA

daajis.com:- Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah musharaxiinta sanadkaan u isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay fashilantay, “In kursiga xildhibaanka lagu kala gato ‘nus milyan’ waa nidaamkii na dumiyey, waana sii dunay hadda, xalka dalkaana kuma imaanayo sidaan,” ayuu yiri.

Xuseen Ceydiid aya sheegay hey’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay dhisatay dowladda Qatar oo dastuurka Soomaaliya aysan ku qorneyn, “NISA Qatar ayaa soo sameysatay, dastuurkana kuma tallo,” ayuu yiri Xuseen Ceydiid oo wareysigaan siiyey Goobjoog TV.

Waxa uu sheegay in dhawaan AMISOM ay soo jeedisay in Soomaaliya loo maareeyo si lamid ah 1992-kii oo la keeno ciidamo hor leh oo ka socda Qaramada Midoobey.

“Waxaa arrintaas u sabab ah gobolladii iyo dowladda dhexe ayaa iska hor yimid, dowladii waxay fashilantay maareyntii doorashada, sababtoo ah gobolladii ayaa ka hor yimid, marka khilaafku maanta waa saa’id,”ayuu yiri Xuseen Ceydiid.

Sidoo kale waxuu qabaan in casharro badan laga bartay doorashadii 2016-kii ee dowladii Xasan Sheekh, isagoo sheegay in lacag aysan waxaba terin.

“Wakiilka QM, Swan waxuu u tegay Qatar, Sacuudiga iyo dhamaan dowladaha Carabta, waxuuna ku yiri hal dollar kuma bixin kartaan doorashada Soomaaliya, arrintaan ma socon karto marka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xuseen Ceydiid ayaa ku faanay inuu ka dhashay qoys qaranimada Soomaaliya wax badan taray, sidoo kalena mudadii uu xukumayey dalka uu afar milyan oo dollar ku dhisay madaxtooyada Soomaaliya, isagoo u baahan lacagtaas oo sida uu sheegay oo guryo ku dhisan karay.

Hoos ka daawo wareysiga







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada