Abiy Ahmed oo ugu baaqay TPLF inay is-dhiibaan kadib ‘guulo ay gaareen’ ciidankiisa

Abiy Ahmed oo ugu baaqay TPLF inay is-dhiibaan kadib ‘guulo ay gaareen’ ciidankiisa

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray-ga inay isdhiibaan, isaga oo sheegtay in ciidankiisa ay qarka u saaran yihiin guul, toddobaad un kadib markii uu wacad u maray inuu hoggaamin doono dagaalka.

Sheegashadiisa ayaa timid ayada oo dagaal xooggan uu ka socdo saddex furin, oo mid ka mid ay tahay – magaalada Debre Sina – oo ku taalla waddo 200 km u jirta caasimadda Addis-Ababa.

“Dhallinyarada Tigray-ga waxay u daadanayaan sida caleenta oo kale. Ayaga oo og in laga adkaaday, ayaa waxaa hoggaaminaya mid aan aragti ama qorshe laheyn,” ayuu Abiy ku yiri hadal ay baahisay warbaahinta dowladda.

“Waa inay maanta isu dhiibaan ciidamada difaaca qaranka Ethiopia, ciidamada gaarka ah, maleeshiyooyinka iyo shacabka.” 

Muuqaalka Abiy oo la baahiyey shalay ayaa ah mid ka mid ah muuqaallo dhowr ah oo uu kasoo dirayey furimaha dagaalka, wuxuuna u muuqday inuu joogo gobolka Afar.

Aaggan ayaa waxaa muddo toddobaadyo ah ka socday dagaal xooggan, ayada oo Tigray-ga ay isku dayayaan inay qabsadaan waddo muhiim ah oo sahayda loo mariyo caasimadda. 

Axaddii, warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka ay qabsadeen magaalada Chifra ee gobolka Afar, wuxuuna Abiy sheegay in guulahaas oo kale laga soo hoyin doono gobolka Amhara. 

“Cadowga waa lagu guuleystay, waxaan hal maalin gudaheed ku gaarnay guul aan lagu fikiri karin oo dhinaca bari ah…hadda waxana sidaas oo kale ka sameyn doonnaa galbeedka,” ayuu yiri. 

Go’aanka uu Abiy ugu biiray dagaalka toddobaadkii tegay ayaa yimid kadib markii TPLF ay qabsadeen magaalada Shewa Robit oo 220 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

“Tallaabadan waxay xoojisay niyadda ciidamada, waxayna mideysay shacabka Ethiopia,” waxaa sidaas tiri afhayeenka dowladda Billene Seyoum.




Hase yeeshee afhayeenka TPLD, Getachew Reda ayaa ku gacan seeray ku biiritaanka Abiy ee dagaalka, wuxuuna ku eexay “is-tustus iyo cayaar dagaal oo doqonnimo ah.”






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada