Wasiirka rrimaha dibadda Shiinaha oo safar deg deg ah ku yimid Addis Ababa

Wasiirka rrimaha dibadda Shiinaha oo safar deg deg ah ku yimid Addis Ababa

daajis.com:- Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa Maanta soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha Wang Yi oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay.

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Demeke Mekonnen.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya, waxaa la filayaa in uu kulammo la yeesho ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonnen oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha labada dal iyo arrimo kale oo gobolka ah.

Itoobiya iyo dalka Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed, kaasi oo soo billowday tan iyo sannadkii 1970-meeyadii, ayaa haddana dib u xoojiyay xidhiidhka ganacsi, maalgashi iyo midka diblomaasiyadeed.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada