Dagaalka Ethiopia oo galay marxalad cusub kadib guulo ay gaareen ciidamada Abiy

Dagaalka Ethiopia oo galay marxalad cusub kadib guulo ay gaareen ciidamada Abiy

daajis.com:- Ciidamada Ethiopia ayaa toddobaadkan dib u qabsaday dhul ay horey u haysteen mucaaradka Tigray, taasi oo muujisay inuu saxnaa go’aankii uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu biiray dagaalka.

Hase yeeshee, sida ay dowladda ku gaartay guushan iyo waxa ay uga dhigan tahay natiijada dagaalka socda muddada sanadka ah, ayaa ah arrin ay dood weyn ka taagan xilli dagaalka uu galay weji cusub. 

Bil kahor, ciidamada TPLF ayaa u muuqday kuwa carcar ah ah, ayaga oo qabsaday magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha, oo ku yaalla waddo muhiim ah oo gasha caasimadda Addis Ababa.

Waxaa lagu warramay inay gaareen illaa magaalada Shewa Robit oo 220 km waqooyi ka xigta magaalada Addis Ababa. 

Hase yeeshee kadib markii Abiy uu toddobaadkii tegay ku dhowaaqay inuu hoggaamin doono dagaalka, dowladda ayaa gaartay guulo dhowr ah, waxaana mucaaradka ay qirteen inay dib u qaabeyn ku sameeyeen xeeladdooda. 

“Cadowga waa la burburiyey, waana la kala dhantaalay,” waxaa sidaas ku faanay Abiy Ahmed oo ay soo xigatay warbaahinta dowladda ee FANA.

Shaki kuma jira in dowladda ay sheegan karto inay “ku gacan sareyso” meelaha qaar waxaa sidaas yiri Awet Weldemichael oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah oo ka tirsan Jaamacadda Queen’s Univeristy ee dalka Canada. 

“Waqtiga ayaa sheegi doono haddii tani ay ka dhignaan doonto gacan sareyn dagaalka ah,” ayuu yiri.

Guulaha cusub ee ay gaareen ciidanka Abiy ayaa qaboojiyay cabsidii laga qabay in mucaaradka ay qabsadaan caasimadda Addis Ababa, taasi oo horseeday in diblomaasiyiinta caalamiga ah ay ka baxaan halkaas.

Dagaalladii ugu dambeeyey ayaa xaaladda dhan kale u rogay.

Dowladda ayaa markii horey sheegatay inay qabsatay magaalooyin ka tirsan gobolka Afar, oo u dhow waddo muhiim ah oo sahayda loo mariyo Addis-Ababa. Kadib waxay Arbacadii guul ka sheegatay magaalada Lalibela, oo hay’adda UNIESCO ay u diiwaan-gelisay dhaxal adduun, taasi oo bishii August ay qabsadeen TPLF.

Jimcihii, warbaahinta dowladda ayaa ku dhowaaqday “in la xoreeyey” magaalooyin ku yaalla waddo aada dhanka magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.

Inkasta oo toddobaadyadii dhowaa ay asiibeen dib u dhacyo, haddana TPLF ayaa ku adkeysaneysa inay ku guuleysan doonto dagaalka.

“Dagaal waxaa lagu yaqaan inay jiri doonaan dib u gurashooyin kooban iyo dib isu qaabeyn,” waxaa sidaas yiri madaxa militraiga TPLF Tadesse Worede oo wareysi siiyey AFP.

“Waxaan go’aansanay inaan si iskeen ah uga baxno meelaha qaar si aan u yareyno dhibaatooyinka,” ayuu yiri.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada