Somaliland oo heshiis ku kacaya malaayiin dollar la gashay dal aan laga fileyn

Somaliland oo heshiis ku kacaya malaayiin dollar la gashay dal aan laga fileyn

daajis.com:- Somaliland ayaa heshiis cusub oo dhanka caafimaadka ah, isla-markaana ku kacaya malaayin dollar la gashay Hindiya, taas oo aan laga fileyn dalkan, maadaama uusan xiriir xoogan la laheyn Somaliland.

Heshiiskan waxa Somaliland ay si gaar ah ula gashay isbitaalada Deepam Hospitals ee ku yaala magaalada Channai ee gobolka Tamil Nadu, waxaana u saxiixay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cabdiraxmaan Saylici oo haatan booqasho ku joogo dalka Hindiya.

War laga sii daayey Telefashinka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaasi lagu dhisi doono isbitaal casri ah oo laga hirgeinayo Somaliland.

“Maxdaxweyne ku xigeenku isagoo sii anba qaadaya safarkiisa shaqo wuxuu heshiis maalgashi la saxiixday mid ka mida cusbitaallada ugu waaweyn dalka Hindiya kuwaas oo dalka ka dhisi doona cusbitaal ku kacaya $100,000,000 million (100 million) oo dollar”.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sarreysa cusbitaalka, Wasiirro iyo saddex bangi oo waaweyn oo ku yaal dalweynaha Hindiya”.

Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya xagga caafimaadka, waxaana dalkaasi arrimo caafimaad u aada dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta iyo waqooyiga dalka.




Si kastaba, Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey wadday dadaallo xoogan oo ay ku hormarineyso xiriirkeeda dibadda, iyada oo horay iskaashi ula yeelatay Taiwan, kaas oo ay si weyn uga hadleen,kana horyimaadeen dowladda federaalka iyo sidoo kale mida Shiinaha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada