Dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Turkiga oo weeraray shaqaalaha Turkish Airline

Dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Turkiga oo weeraray shaqaalaha Turkish Airline

daajis.com:- Ciidamada Booliska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qabqabtay illaa 24 dhalinyara ah oo laga soo tarxiilay dalka Turkiga kuwaasoo weeraray shaqaale ka tirsan shirkada diyaaradaha Turkish Airlines.

Dhalinyaran ayaa weerar ku qaaday shaqaalaha diyaaradda Turkish, Waxaana ay dhaawaceen madaxii shaqaalaha Turkiga isagoo la dhigey Isbitaal.

Falkan ayaa sababay in dib u dhac uu ku yimid duulimaadkii saaka lagu waday in dad rakaab ah ka qaado magaalada Muqdisho diyaarada Turkish Airlines.

Wararka ayaa sheegaya dhalinyaradan qaarkood uu ka dhacay sharciga halka qaarkoodna lagu eedeeyay in ay dadka tahriibiyaan.

Dowlada Tukriga ayaa dhawaan ku qabqabatay qaar kamid ah magaalooyinka dalkaas Soomaali sharci darro ku joogay dalkaas.

Soomaali badan ayaa haatan ku xiran xabsiyada dalka Turkiga iyagoo sugaya in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada