Wararkii ugu dambeeyay Turkiga oo siinaya Soomaaliya diyaaradaha droneska

Wararkii ugu dambeeyay Turkiga oo siinaya Soomaaliya diyaaradaha droneska

daajis.com:- Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in dowlada Tukriga ay siineyso diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn dowlada Soomaaliya.

Mucaaradka dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in loo tababarayo ciidamo adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan droneska.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawaan sheegay inay yaalaan diyaaradahaas garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay eedeyntan ayaa beenisay in codsatay in la siiyo diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegayo in Turkiga uu Soomaaliya u siinayo diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka.

“Maya, anigu kuu xaqiijin maayo taas, warkaasna ma jiro” ayuu yiri Cabdirashiid Maxmed oo wareysi siiyay BBC-da.

Wuxuu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo dib u dhiska ciidamada iyo la dagaalanka kooxda Al Shabaab.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada