Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u jawaabay Saciid Deni

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u jawaabay Saciid Deni

daajis.com:-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay weerarkii afka ahaa ee madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku qaaday Midowga Musharaxiinta Mucaaridka.

Madaxweyne Deni ayaa Midowga Musharaxiinta ku eedeeyey inay doonayaan in markale dib loogu laabto Carta, arrintaas oo ku tilmaamay mid halis weyn ku ah dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwa mar mar dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadalka Deni daba socda ayaa sheegay in wax diidaya aysan jirin in Gole Qaran la sameeyo, si dalka looga badbaadiyo boobka doorasho ee socda.

Waxa uu sheegay in Golahaas looga baaqsan karo oo keliya haddii la qabto doorasho hufnaan iyo daahfuran leh, oo natiijadeeda lagu wada qanco, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii shalay Golihii Badbaado Qaran loo dhisay in lagu hor istaago muddo kordhintii Farmaajo, qaar ka mid ah Dawlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Aqalka Sare qayb ka ahaayeen, maanta maxaa diidaya in la dhiso Gole Qaran oo boobka doorashada looga soo horjeedo? Waxaa looga fursan karaa in la qabto doorasho hufnaan iyo daahfuran leh oo natiijadeeda lagu qanco.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay hanaanka doorashada Golaha Shacabka, oo ay qaadaceen Midowga Musharaxiinta, kadib markii ay ku tilmaameen “doorasho ku dhisan boob”.


Midowga Mucaaridka ayaa hore u dalbaday in la hakiyo doorashada, illaa inta dib loo saxayo qaladaadka jira, taasi oo hogaanka sare uu iska dhago tiray, waxaana socda guuxa dhismaha Gole cusub oo looga soo horjeedo doorasho boobka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada