Guddiyada doorashada oo laba u kala jabay iyo xubno ka hor-yimid warqaddii lagu joojiyey doorashada

Guddiyada doorashada oo laba u kala jabay iyo xubno ka hor-yimid warqaddii lagu joojiyey doorashada

daajis.com:- Qaar ka mid ah guddiyada heer maamul Goboleed ee doorashooyinka ayaa beeniyey inay qeyb ka yihiin warqadda kasoo baxday guddiga doorashada heer federaal ee lagu sheegay inay joojiyeen doorashadii ka socotay dalka.

Guddiyada heer federaal ee Jubaland, Somaliland iyo Banaadiriga ayaa sheegay in lagu been abuurtay, islamarkaana aysan waxba ka ogeyn warqadda lagu saxiixay magacyadooda.

Warqadda ayaa la sheegay inay qoreen xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu ka mid ah yahay guddoomiye Maxamed Xasan Cirro oo taageero ka heysto Villa Somalia.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, warqadda ayaa waxaa lagu qoray xafiiska guddiga doorashooyinka heer federaal ee magaalada Muqdisho, waxaana qorshahaan ka dambeysay Villa Somalia oo aan ku qanacsaneydn go’aankii uu Rooble ku eryey qaar ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka.

“Guddiyadu waxay ogaysiinayaan gollaha wadatashiga qaran, musharaxiinta kuraasta iyo dadka Soomaaliyeed in ay laga bilaabo maanta hakiyeen doorashadii, tan iyo inta laga saxayo arrinta guddiga xalinta khilaafaadka dhismahiisa, guddigaan oo la’aantiisa aysan suuro gal ahayn in doorashadu socoto,” ayaa lagu yiri warqadda khilaafka dhalisay.

Guddiga doorashooyinka heer federaal weli kama hadlin warqadda kasoo baxday xafiiskooda, waxaana warqadda lagu taageeray xubnihii uu xilka ka qaaday Ra”isulwasaare Rooble ee kamid ahaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in lagu xadgudbay xasaanadda xubno kamid ah guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka sidaas darteedna aysan suuragal aheyn inay sii socoto doorashada.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada